WAA SHEEKO ILAA QOSOL AH WAXAA QORAY QORAGA DAD YAR
ABDIFATAH YARE
1) Kolkii soomaalidu
Sucuudiga ay u shaqo tagi jireen, ayaa maalin maalmaha kamid ah waxaa gaadhi xaajiyad ah wada raacay labo nin oo shaqo doon
ah, mid wuxuu ahaa reer waqooyi, kan kalena reer koonfur. Hadaba waxay gaadhigii saarnaadaanba gaadhigii baa kula dhacay meel
god ah, ka dibna waxaa naxay kii reer waqooyiga ahaa ahaa, wuxuunayidhi Yaarasuululaahi!!, markaasaa sheekh carab ah oo agtiisa
fadhiyey baa intuu bahal dhirbaaxo ah ku jiiday, ku yidhi ilaahaaga ma taqaanid miyaa?. Kadibna kii reer waqooyiga ahaa baa
iska aamusay isagoo cadhaysan, wuxuu gaadhigii sii socdaba mar labaad hadana meel kale oo god ah buu kula dhacay, Kolkaasaa
kii reer koonfurka ahaa yidhi Shiikh Cabdulqaadiroow!! Judhiiba kii reer waqooyiga ahaa oo cadho bakhtiisan baa intuu dharbaaxo
kadh ka siiyay ku yidhi war kii weynaa baa meel loo la' yahay markaasaad shiikh lasoo ordaysaa.!!! |
(2) Nin soomaali ah oo jooga
wadamada reer-galbeedka ayaa lagu soo eedeeyay inuu dilay nagtiisa. Markii maxkamadii lakeenay ayuu diiday af-celiyihii ay
dowladu u qabatay doortayna mid uu yaqaanay oo uu moodayay inuusanba jirin qof qudha oo ka badiya afka-ingiriiska . Waxaa
uu u sheegay inuu sheego oo kaliya waxa uu u sheego oo qudha. Hadalkiisii ku bilaabay "naagtan Khaatiyan baan ka taagnahay,
badahaygii bay gashay,ma nooli, way in nolol xabaashay, naagtaydii kale bay iga furtay, dukaankaygiina wuu kacay, wayna ilu
goysay. Turgubaankiibaa waxa uu yiri "I will tell you, what he told me, he is fed up by this woman, she enterred his ocean,she
bured him alive,she open his other wife and his shop stand up.and she was cutting his leg. |
(3) Sadex nin baa waxay caadeysteen
inay beer xadaan maalinwalba. Ninkii beerta lahaa ayaa ogaaday in beerta lagurto Maalinwalba. Maalintii dambe ayuu waxa uu
lasoo kulmay tuugadii oo beerta ku dhexjirta, Kolkaasu albaabka la fadhiistay qorigiisuu. Waxaa waxyar ka bacdi albaabkii
ugu yimid sadexdii tuug oo intay beertii ka soo dhargeen midwaliba uu wax gacanta ku wato. Ninkii beerta lahaa ayaa yiri waryaada
beertayda tuugada dhamaysay waa idinka, maanta waan idin cafinayaa laakiin kol dambe ha soo noqonina. Waxaana maanta idin
ku xukumayaa in nin walba waxa uu gacanta ku haysto uu futada iska galiyo. Ninkii ugu horeeyay basbaas buu watay durbadiiba
intuu falay wixii lagu amray ayuu cagaha wax ka dayay. Ninkii labaad waxa uu watay liin banbeelmo, kolkuu foorarsaday ayuu
waxuu ladhacay qosol ninkii beerta lahaa baa yaabay oo yiri war maxaad ku qoslaysaa, kolkaasuu ugu jawaabay anigoo layaaban
liin banbeelmadaaan wato ayaan arkay saaxiibkay oo wata qare wayn (watermelon) |
(4) Oday baa waxaa la keenay
wadanka maraykanka (usa) waxaana la geeyay gobolka Minisota (minnesota) oo uu barak ka da'o xiliyada qaarkood. Odaygii waxa
uu bilaabay inuu ka ducaysto inuu san illaahay halkan ku dilin. Maalintii dambe ayaa waxaa la waydiiyay waxa uu ku diidayo
inuu halkan ku dhinto. Sidii wax kale looga sugayay ayuu yiri "Mahaan Qabrigeeda Qabow aan loo gu jireyn" |
(5) Nin reer woqooyi ah ayaa
waxuu soogalay masaajid oo salaadii makhrib markaas laga baxay. Markaas ayuu damcay inuu xidho salaadii. Markaas ayuu yidhi
Farda ssalaatil maqribi arbacarakacaatin allahu akbar. Marka nin agtiisa kutrukan hayay ayaa gacanta oogu midaaray inuu khaldan
yahay. Markaas ayuu isyidhi waad yaraysaye ee badi. Markaas ayuu yidhi Farda ssalati maqribi arbaca rakacaatin allahu akbar.
Hadana mar labaaad ayuu isku dayay oo hadana yidhi Farda ssalati maqribi khamsa rakacaatin allahu akbar. Hadana marlabaad
ayuu ninkii gacanta oogu midaaray inuu khaldan yahay. Marka asagii oo nin kii yaaban ooleh maxaad samaysaa ayaa midkale oo
ordaya sooglaay oosalaadii damcay inuu xidho markaas ayuu yidhi Farda ssalaatil maq ribi Talaata rakacaatin allahu akbar.
makraas ayuu intuu kusoo booday ayuu yidhi Naw, war khamsa nalaga diiday markaas ayaad talaada la ordaysaa. |
(6) Naag maseyrsan ayaa waxaa
u yimid nin safar ah oo biyo uu cabo doonayo. Ninkii socotada ahaa ayaa waxa uu yiri Walaal i waraabi. Naagtii maseyrsanayd
baa mooday inuu waydiiyay ninkeedii kolkaasay ugu jawaabtay aqalkaas buu maantoo idil kujiray. Ninkii socotada ahaa ayaa garan
waayay waxay ka hadlayso kolkaasuu yiri maxay. Waxay mooday inuu yiri waa arin yaableh kolkaasay tiri aniguba sidaas baan
u yaabanahay. |
(7)NIN
AAD U MARQAAN DHAAFSAN AYAA MAALIN CIIDA KU SOO BAXAY MEEL ALGU TUKANAYO SALAADII CIIDA OO LOOTAGAN YAHAY MARKAA SUU SAFKA
DHINA CIISA KA GALAY ISAGA OO DOONAYA IN UU DADKA LA TUKADO SHEEQII AYAA SALAADII XIDHAY OO SIDII CADADA AHAYD BILAABAY TAGBIIRTII
MARKII AY SADEX JEER MARAYSAY AYUU NINKII HEER WAQOOYI YIRI NAW WAR SOOTA ISQABAN LA SALAADII MAANTA |
Contributed by John
|